Ciidamada AMISOM oo dib u qabsaday xeradii maalmo ka hor lagala wareegay

Bulsha:- Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan AMISOM ayaa maanta dib ugu laabtay xero ciidan oo ay ku lahaayeen deegaanka Leego, halkaasoo labo maalmood ka hor ay la wareegeen Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Jowhar.com Ciidamada AMISOM oo gawaari dagaal iyo hub culus ku hubeysan ayaa duhurnimadii maanta gaaray fariisinkii ay ku lahaayeen Leego.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Soomaaliya, kuwaasoo iyana fariisin ka sameystay meel aan sidaa uga fogeyn halkii AMISOM askarta badan looga laayay jimcihii.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka AMISOM ayaa iyana lagu sheegay in AMISOM ay dib u qabsaday saldhigooda, ayna socdaan howl galo dhinaca amniga iyo sifeyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aysan wax iska caabin la kulmin ciidamada intii ay dib ula wareegayeen xerada, iyadoo Al-Shabaab ay goobta baneysay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen Guuto gaar ah oo loogu magac daray Hogaamiyahoodii hore ee la dilay, waxaana ay la wareegeen saanad milateri, halka gawaari dagaal ka gubeen AMISOM.

Dagaalkii jimcihii ka dhacay deegaanka Leego ayaa khasaare aad xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi, halkaasoo loogaga dilay illaa kontan Askari.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment