Ciidamada Amisom oo aad u Hubaysan ayaa u Dhaqaaqay Dhanka Deegaanka Leego

Bulsha:- Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala dalka Soomaaliya ee Amisom ayaa waxay wadaan guluf dagaal oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan Deegaanka laga fara maroojiyay ee Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo Amisom-ah oo aad u hubaysan ee ku sugan Deegaanka Balli-doogle ayaa waxay cagta saareen wadada aadda Deegaanka Leego, iyadoo Ciidanka Itoobiya ee Amisom ka tirsan ay iyaguna kaga soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ciidanka Amisom ee ka soo dhaqaaqay Degmada Buurhakab ayaa waxay xoogoodu ka yimaadeen Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo waxaana loogu yeeray inay ka qayb qaataan gulufka dib loogu qabanaayo Leego.

Ciidamada Amisom ayaa doonaya inay asturtaan magac xumadii ka soo gaartay dagaalkii deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelada Hoose.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment