Daawo:- Dhaawacyada askarta AMISOM oo Muqdisho lagu daweynayo

Bulsha:- Madaxa shaqaalaha AMISOM (COS) Ambassador Epiphanie Kabushemeye ayaa Sabtidii (27-06-2015) booqaday dhaawacyadii ciidamada AMISOM ee dagaalkii Jimcihii Al-Shabaab ku qaaday xerada ay ku leeyihiin Leego.

Dhaawacyadan ayaa la dhigay Isbitaalka AMISOM ee heerka 2 (AMISOM Level 2 Hospital) ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawacyadii darnaa loo duuliyay dalka Brundi si halkaasi loogu soo daaweeyo, halka kuwa ceynta lagu daweynayo isbitaalka AMISOM ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Jimcihii weerar xooggan ku qaaday xero ay ciidaada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego, halkaasoo ay ku dileen tiro dhan 70 askari, qaar nolosha ay ku qabteen iyo meydad askar ay dileen.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment