Bulsha:- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa uu sheegay inay weli awood badan lee dahay Al Shabaab, oo dagaal adag kula jirta Dowladda Federalka Somaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in lagu sheekaysto awoodda Al Shabaab waa daciiftay, sababo ku aadan weerarkii ugu dambeeyay ay ka gaysteen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ku dileen in ka badan 70 askari oo Amisom ka tirsan.
Sidoo kale waxa uu tibaaxay in Shabaabku ay yihiin kuwo socod badan oo marba meel weerar ka gaysanaaya, isla-markaana aan la dhayalsan karin awoodda muuqata, ee ay lee yihiin, sida uu yiri.
samatarIsagoo ka hadlaayay waxa looga adkaan karo dagaal-yahanada mayalka adag, ayuu sheegay in looga guuleysan karo in la dhiso Ciidanka Dowladda Somaliya, taa oo meesha ka saari karta awoodda Al Shabaab.
Prof. Samatar oo Warbaahinta la hadlay, ayaa carabka ku adkeeyay Ciidanka Amisom inaanay hannan karin xasiloonida dalka Somaliya, ayna dalka u jooggaan sida uu yiri shaqo ay ku intifaacayaan.
Caalamka, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaanu diyaar u ahayn qalabaynta iyo xoojinta Ciidanka Somaliya, xilli dadka Somaliyeed ay jeclaan lahaayen Ciidanka Somalida oo la siiyo mid lamid ah qalabka Amisom.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment