Daawo Sawiro :- Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Dhaariyey Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare‏

Bulsha:-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015 una gudbiyey Golaha Wakiilada, iyaguna ay ansixiyeen
03/Jun/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay08/Jun/2015,gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali.

Maanta oo taariikhdu tahay 28/Jun/2015 na uu dhaartii dastuuriga ahaydna uu madaxweynaha qaranka Somaliland u dhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment