Daawo Sawirada:- Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo bilaabay in ay isaga Cararaan Dalka Tunuusiya

Bulsha:- Dad Dalxiisayaal u badan oo kasoo jeeda Wadamada Reer Galbeedka ayaa bilaabay in ay isaga cararaan dalka Tunuusiya kadib weerarkii jimcaha ka dhacay Xeeb loo dalxiis tago oo kutaala Dalkaasi oo lagu dilay dad gaaraya 37-qof oo u badnaa Dalxiisayaal Reer Galbeed ah.

Nin hubeesan oo katirsanaa Kooxda Daacish ayaa weeraray Labo Hoteel oo kuyaala Xeeb loo dalxiis tago oo kutaala Magaalo xeebeedka Sousse ee Dalka Tunuusiya, waxa uuna halkaasi ku laayay dad badan oo ku jiray dalxiis iyo damaashaad.

Waxaa cabsi xoogan lasoo daristay Dalxiisayaal Reer Galbeed ah oo ku sugnaa Dalka Tunuusiya kuwaa oo ka cabsi qaba in gudaha dalkaasi lagu beegsado, waxa ayna bilaabeen in ay deg deg dalkaasi ay uga baxaan kuna laabtaan dalalkooda.

Ciidamada amaanka Dalka Tunuusiya ayaa heegan buuxa la galiyay kuwaa ka hortagaya weeraro kale oo laga yaabo in Kooxo xariir la leh Daacish ka geestaan Dalka Tunuusiya , Weerarkiii Jimcihii dhacay ayaana noqonaya kii labaad oo bilooyin gudahood ah dalkaasi ka dhaca oo lagu dilo dad badan oo ajaaniib dalxiisayaal ah.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment