Bulsha:- Dowladda Burundi ayaa ka hadashay khasaaraha culus ee ciidankooda Somalia jooga kasoo gaaray weerar aad u qorsheysnaa oo Ururka Al Shababa ay ku qaadeen xero ciidanka Burundi ay ku sugnaayeen oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose.
Xerada ciidan ee la weeraray waxa ay ku taalla deegaanka Leego, waxaana fariisin Milateri ku lahaa ciidamada u dhashay dalka Burundi ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.
Colonel Gaspard Baratuza Afhayeenka ciidamada Milateriga dalka Burundi oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa qiray in ciidamadooda khasaaro culus uu kasoo gaaray weerarka Shabaabka ay ku qaadeen deegaanka Leego.
Isaga oo u waramaayay Wakaalada Wararka Jarmalka ee DPA ayaa waxa uu qiray in ka badan 50-Askari looga dilay weerarkaasi, bale waa uu ka gaabsaday inuu faah-faahin kale bixiyo.
Weerarka shalay subax aroortii ciidanka Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidanka Burundi ay kaga sugnaayeen deegaanka Leego, ayaa ku biloowday weerar Ismiidaamin loo adeegsaday oo baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxaan lagu qarxiyay Irida ciidanka ay ku sugnaayeen, kadibna waxaa galay ciidamo Shabaab ka tirsan oo dagaalamaayay.
Khasaaraha ciidanka Burundi kasoo gaaray weerarkaasi oo ah mid aad u badan ayaa la sheegayaa in dhimashada Askartooda ay gaarayso ilaa 70 Askari, maadaama ciidanka Burundi ay ku dhex-wareereen ciidanka Somalida iyo kuwa Shabaab oo tuutaha Milateriga kawada sinaa.
Al Shabaab ayaa guul weyn ku tilmaamay khasaaraha culus ee ciidamada Amisom ay ku gaarsiiyeen weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in weerarkaan ciidanka Burundi uu soo xusuusinaayay weerar ka dhacay Degmada Dayniile oo ciidamo badan Burundi looga dilay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment