VIDEO:- Madaxweyne Gaas oo Maanta la Kulmay Danjiraha Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Bulsha:-  Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geel Jire).

Kulan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Wei Hongtian wada qaateen ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dowladda shiinaha iyo derder-gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda shiinaha ka wado Soomaaliya iyo arrimo kale oo la xiriira horumarka dalka.




Kulankii kadib ayaa waxaa si wadajir ah Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ula hadalay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas iyo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian.

wuxuuna Madaxweynaha hadalkiisa ku bilaabay, ‘’ Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in caasimadda Puntland ee Garoowe ku soo dhaweyno Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei, waxaana uu safiirku noogu yimi socdaalkii ugu horeeyey oo uu xamar banaankeeda kaga baxo ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment