Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay wada hadalo inay la fureen Ahlu Sunna Wal Jameeca (Ahlu Sunada Gobolada Dhexe).
Wasiirka, ayaa sheegay wada hadalada ay la lee yihiin Ahlu Sunna inuu ku qotomo, sidii ay kaga qayb qaadan laheyd Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe.
Wasiirka waxa uu sheegay hannaanka Maamulka loogu samaynaayo Gobolada Dhexe, inay u wada dhan yihiin dadka deegaanka oo idil, si loogu saleeyo wadatashi iyo is qancin.
odowaaWar Saxaafadeed uu caawa soo saaray, ayuu Wasiirku ku sheegay in meel wanaagsan uu maraayo shirka ka soconaaya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb.
C/raxmaan Maxamed Xuseen, ayaa ku waramaaya in toddobaadkan la ansaxin doono Dastuurka KMG ah ee Maamulka Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug) loo sameeyay.
Hadalka ka soo yeeray Wasiir Odawaa, ayaa meesha ka saaraaya dagaalo laga cabsi qabay inay markale ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb, oo Axadii hore ay dagaal ku qabsatay Ahlu Sunna
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment