Cristiano Ronaldo Hooyadiis oo xabsi loo taxaabey iyo sabab yaab leh

Bulsha:- Hooyada dhashay ciyaaryahanka caanka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii iyada oo ka sii amba baxaysa dalka Spain ciidamada boolisku ay ku soo qabteen lacag gaadhaysa €55,000.

Wararka laga helayo dalka Spain ayaa sheegaya in lacagta lagu qabtay ay shan jeer ka badan tahay qadarka loogu talo galay in dadka dhoofayaa ay ku qaataan boorsadooda.

Ciidamada booliska ayaa soo qabtay haweenaydan dhashay Ronaldo iyada oo shandada ku sidata lacagtan, waxaanay u wayday jawaabo su’aalihii laga weydiiyay sababta ay lacagta xaddigan le’eg ugu soo qaadatay shandada.

Aakhirkiina waxa ay ciidamadu ku xukumeen in ay cashuur ka bixiso lacagtan ay sidatay iyo waliba ganaax kale.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment