Video: Jubaland oo ku dhowaaqday in Somalia ay ka go’day oo ay raadineyso gooni isu-taag

Bulsha:- Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’ayaan Soomaaliya, islamarkaana ay raadi doonaan gooni isu-taag rasmi ah, si la mid ah maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

Go’aanka Jubaland ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska maamulkaas Qamar Khaliif Xaaji Deeq oo dadweyne tiro badan kula hadashay magaalada Kismaayo.

Haweeneydan oo aflagaado u tirsay baarlamanka iyo dowladda Soomaaliya iyo si gaar ah xildhibaaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada ugu howl karsan baarlamanka, ayaa muujisay inay ka carreysan tahay mooshinkii lagu sharci darrayeeyey baarlamanka Axmed Madoobe.

“Laga billaabo maanta waxaan aqoonsannahay oo aan taagereynaa gooni isutaagga Somaliland, annagana waxaa go’aansannay inaan raadino gooni isu-taag” ayay tiri Qamar.

Halkan ka daawo Qamar oo arrintaas ka hadleysa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment