Gen. Gaafoow Oo U Hanjabay Maamulka Somaliland “Sidaa Laguma Sheegto Dowlad”

Bulsha:-  Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dhalinyaro Soomaaliyeed oo  5 ruux ah oo sida la sheegay laga soo celiyay magaalada Hargeysa ee magaalo madaxda gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya.

Janaraal Gaafow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku dayayso markasta in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo safarada ay ku aadayaan gobolada dalka hase yeeshee maamulka Soomaaliland uu sheegay in in marar badan uu sameeyay in si gaar ah loo dhibaateeyo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya taasina ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

“Waxaan aad ugu xunahay marar badana nagu soo noqnoqday marar badana dhibaato ka taagan tahay dadka Soomaaliyeed maanta dhibaato badan ayay qabaan way dhoofaan waxaa ay soo socdaan way sii socodaan Hargeysa iyo Berbera way aadaan waa kaga yimaadaa wanaag ayaa sameynaa qof walba oo Hargeysa ka yimaada ama Berbera ka yimaada ama Soomaaliy ka yimaada wax dhibaato ah ama mushkulad ah waligii nagalama uusan kulmin”.


“Waxaa nasiib daro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Soomaaliya sheegtay  in la dhibaateynaayo xabsi la geynaayo in si bani’aadminimada ka baxsan loola dhaqmaayo taasina waxaa ay keeni kartaa naceyb dhex mara shacbiga” ayuu yiri Gaafow.

Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ku booriyay maamulka Soomaaliland in ay ku dadaalaan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed.

“Shalay halkaan dadbaa diyaarad ka raacay muraadbay lahaayeen kharash baa galay dhibaatey galeen waxay noqotay halkii laga taakuleyn lahaa in xabsi la geeyo xalay xabsi ayay ku bariyeen saakana waa la soo tarxiiley in nin Soomaali ah qof Soomaali ah soo tarxiilo wax la qaadan karo ma ahan sidaana laguma sheegto Dowlad” ayuu markale yiri Janaraal Gaafow.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment