India:- Wasiir Shahaadadiisa jaamacadda su'aal la galiyay

Bulsha:-  Booliska caasimadda India ee Delhi ayaa xabsiga dhigay wasiirka magaaladaas u qaabilsan sharciga, iyada oo uu jiro tuhun ku saabsan in shahaadadiisa cilmiga sharciga ay been abuur tahay.

Jitender Singh Tomar ayaa lagu eedeeyey khiyaano iyo been abuur, ka dib markii uu soo baxay shaki ah, inuu shahaadada jaamacadda ku dhameeyey gobolka Bihar.

Tomar wuxuu ku adkaystay in eedeymahaas aysan sal lahayn.

Xubno ka tirsan xisbigiisa Aam Aadmi, oo loogu codeeyey awoodda Delhi, ayadoo loo igmaday in ay la diriraan musuqmaasuqa ayaa ku eedeeyey kooxaha ay siyaasadda isku hayaan in ay aargoosi u maleegeen wasiirka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment