Saddex xildhibaan oo loo haysto hurinta xiisado qabyaaladeed (Xilalka ma weyn doonaan?) (Xog)

Bulsha:-  Warar ku dhow dhow shir Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya, in Guddiga Anshaxa Baarlamaanka gacanta loo geliyey dacwad ka dhan ah 3 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya; iyada oo Xildhibaanada lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Sanyare Nuur lagu soo eedeeyey in ay warbaahinta ka sheegeen hadalo lagu sheegay kuwa meel ka dhac ku ah Baarlamaanka, isla markaana abuuraya xiisad qabiil oo aan loo baahneyn, waxaanna uu intaa ku daray in Xildhibaanadu ay jebiyeen qoddobo dastuuri ah oo xeer-hooaadka ku jira.

“Qofka Xildhibaanka ah uma hadli karo sida shaqsi suuq joog ah oo kale. Xildhibaanimadu waa astaan u taagan ilaalinta sharciga; Xildhibaanada la soo eedeeyey wareysiyo ay bixiyeen waxaa ka soo yeeray hadalo aan ku habooneyn shaqsi xil Qaran haya” Ayuu yiri Xildhibaanka hadlay, wuxuuna intaa raaciyey in Xildhibaan Cabdi barre Yuusuf Jabriil ay horay dacwado kaga tiilay Baarlamaanka, isaga oo faahfaahinaya qoddobada lagu soo eedeeyey wuxuu sheegay in Hay’adii uu ka tirsanaa uu dhowr jeer weeraray isaga oo difaacaya dano lagu sheegay in ay yihiin kuwa beelnimo ah.

“Xildhibaanku ha ku yimaado qabiil; laakiin qabiil waxeey kaga dhammaaneysaa marka xilkaasi loo dhaariyo; xeer hoosaadka Baarlamaanka qoddobada ku dhigan haddii loo cuskado waxaa laga yaabaa Xildhibaanadaas ama in ay waayaan xasanada ay hayaan ama in la ganaaxo” Ayuu yiri Xildhibaankaas.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment