TARSAN:- oo dalbaday in laba midkood loo dhiibo xilka madaxweynaha SOOMAALIYA (Warbixin) !!

Bulsha:- Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Internetka wuxuu kaga hadlay arimaha qabyaalada ee wali aan ka dhamaan dadka iyo dalka Soomaaliya.

Tarsan, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay midnaan la’aanka heysata dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay ineysan laheyn Dastuur iyo calan mideeya, isagoo ka carooday in meel Soomaaliya kamid ah lagu gubo calanka qaranka Soomaaliya oo uu kala jeeday magaalada Kismaayi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalal badan oo caalamka ku yaala ay ka jiraan dastuur dadka mideynaya oo aysan ka jirin wax qabyaalad la yiraahdo, laakiin dalka Soomaaliya aysan waxyaabahaasi ka jirin.

Si midnaan looga dhex abuuro dadka Soomaaliyeed wuxuu soo jeediyay labo talo oo ah cidda hogaanka dalka noqoneyso si looga gudbo qabyaalada iyo midnaan la’aanta.


1- Boqor Dastuuri ah oon Siyaasadda shaqo ku lahayn oo aan Somaali u dhalan. Sida Australia oo Boqoradda Ingiriska ay u tahay head of State.

2- In aan sameysano Madaxweyne Dastuuri ah oon Siyaasada shaqo ku lahayn- soona dhexgeli karin sida India. Haddii aan taas isku raacno waxaa yaraani loolanka qabiilka, waayo waxaa lagu tartami nidaam xisbiyo iyo fikir siyaasi ah awoodana waxay ku noqoni shacabka hal qabiilna keligii wax ma dooran karo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment