Aqriso Maqaal ka Hadlaya calaamadaha Lagu garto Saaxiibka wanaagsan

Bulsha:- Saaxibtinimadu waa shay aad uu qaliya, waxay ka udgoontahay cuudka , waxayna ka cadahay caadceeda, waa waxa qaali ah qofki helana ay mudan tahay in uu Illahay uu mahad ceeliyo . saxiibtinimadu waa waxa ugu wanaagsan Waxa jira uguna fican ,waana tan ugu qiimaha badan aadan ka marmi kariin .

Saxiibkatinimadu waxay ku dhisan tahay is fahanka ,isku sheegitanka waxa wanaaaagsan iyo in aad la jeclato saxiibka waxa aad la jeeshahay nolashada .

Hadaba waxan jeclaystay in aan la qaybsado dhalinta soomaliyeed meel kastoy jogan waxa ay tahay saxibtinimadu dhabta ah iyo in aan layska indha tiriin xaqiiqada ee laga run sheego saxiibtinimada.
Laguna daydo saxiibka wanaagsan .

Calaamadaha saxiibka wanaagsan
waa kan xoojiga imaan kaga kugu yeedha dhanka wanaaasan iyo dariiqa saxda ah.
Waa kan kugu kordhiya cilmiga aana ka hagran aqoontisa iyo waxa uu kugu dhamo maskax ahan.
Waaa kan kugu gargaara naf iyo malaba iyo waxkasto aad uga bahato.
Waa kan kugu yeedha khayrka ILLAHAY iyo adeecidiisa.
Waa kan ka reeba wax kasta oo xun kuguna toosiya dhanka wanaagsan.
Waa kan ku diifaca marka aad jogtid iyo marka aad maqan tahayba.
Waa kan ku caawiya wakhtiyada aad dhibataysan tahay ee aad garabka ka dalbayso.
Waa kan wanaaga jecel iyo waxkasta xumanta ka dhereya.
Waa kan ka fa’iidaysan waakhtiyada aad dhibataysan tahay iyo marka aad murugaysan tahay .
Waa kan rajada ku galiya aan ku niyad yabiin ,waa kan kaga shekeeya isbadalka nolasha iyo marxaladaha wakhtiga.
Waa kan sirahaga xafiida iyo ceeba haga wanaagaga jecel iyo guushada.
Waa kula jecel waxa uu naftiisa la jecel yahay ,waa kan farxada kula jecel

Sifaha saxiibka waanaagsan ku so kobi karimayno qoral iyo hadal midna lakin waa qoodobada ugu mihimsan qof intas leh na waa qof lala saxiibi karo .
Bal haan wax ka soo qadano siifaha saxiibka xuna

Saxiibka xun waa mid aan tukan imaan aan la hayn
Waa kan mar walaba kusugan meelaha xunxun sida

Meelaha mukhaadaratka lagu isticmalo iyo waxyabaha ay diinteenu mad nuucday iwm.

Waa kan kugu dhiiri galiya a samaynta ficilo aan ILLAHAY ka rali ahayn.
Waa kan mar walba kaaga sheekeya xumaanta iyo dhibato jogta ah.
Waa kan kugu yeedha goobaha xumaanta lagu sameeyo.
Waa kan marnaba xishood iyo naxariis midnab aqoon.
Waa kan an marnaba xasuusan akhiro, aduunka mooye
Waa ka marwalba dadka Af lagaadeeya uguna yidhahda waxayna

Dadku ka raali ahayn sida nanaaysaaha xun xun iyo iwm.

Waa kan jecel in aad ka tagtid diintada iyo dhaqan kaga .
Waa kan aan hal xala ah aqoon ee mar walba ku sheega beenta iyo iwm.
Waa kan ku sifoobay dantii yiqiin ee an dantada ka fikirin iyo wanaagaaga.
Waa kan marka u ka maqan yahay xumaantada faafiya iyo sirahaaga.
Wa kan shar waadeenka ah kuna darsaday munafiiqnimada.
Waa kan an lagu arag masjiidka iyo cibadabka ALLE IYO meelaha khayrku ka jiro.
Waa kan ku siya talooyin ku dhibataynaya if iyo akhiraba.
Waa kan guushada neeceb iyo wanaagaga .

Waa kan kugula saxiibay hawl addun iyo dano gar ah.
Waa kan an qadariin fikirkaga iyo rayiigag,waa kan farxadad ka riliga ahayn.
Waa kan aqliiga gaban ee meeesha dhaw wax ka arka ee aan ka fikirin mustaqbalka fog.
Waa kan xanta yaqan ee dadka kugu dira ,waa kan kugu farxa marka ay dhibato ku so gadho.

ALLOW NAGA NAJEEE SAXIIBKA XUN AMIIIN AMIIIN
Saxiibku waa murayaada keliya ee la isku eego ama uu isku daawado qofku . marxaladaha kala duwaan ee soo noqnonoqonaya ee ku suntan wareega nolasha iyo mar xalada wayaha .
Dhalinteena soomaliyeed waxa iskaga qasan saxiibtinimada iyo asxabta.
Waxa aad uu quruxbadan in laga run sheego saxiib tinimada
Lana kala saro asaxbta iyo saxiib saxiibtinimada dhabta ah.
Saxiibka suubani sadriga iyo laabtiyo niyaadaa salkeediyo
Qalbigu sifeeyaa Suraadaha QUR,AANKiyo Sareedadu jeclaystaa.
ALLOW saxiib wacan iyo Qar samaha jecelo an nasaluugin
Waligood samahoda noo badi.

AMIIN AMIIN AMIIN AMIIN
Wixi talo iyo tuusale ah diyar ayaan inaga ahay
Akhristayasha waad maha santiihin ASC

W/Q HINDA CABDISHEEKH
Hinda20999@gmail.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment