Cuntada Iyo Cabitaanada La Rabo in Laga Ilaaliyo Haweeneyda Uurka Leh

Bulsha:- Haweenka uurka leh, waxaa ay u baahan tahay daryeel dheeri ah iyo ka war heyn xaaladooda caafimaad hadba halka ay mareeyso iyo wax yaabaha ku soo kordha. inta jeer ay uurka tahay waxaa laga yaaba in ay tahay marka ugu adag ee nolosheeda soo martay, tusaale ahaan,inta lagu guda jiro xilliga ay tahay sagaalka bilood waxaa dhaca isbadela fara badan oo xagga caafimaadkeeda ah.

Sidaa Darteed, waxaa loo baahan yahay in laga ilaaliiyo Cabitaanada ay ku jiraan maadooyinka kaffeine iyo cuntada qaarkood oo aan hoos idinku soo bandhigi doono.

Cabitaanda Khafiifka ah sida Sodada iyo kuwa Leh Kaffeine-ka
Haweeneyda uurka leh waan ay ka fogata cabitaanada noocaan ah ee leh Sodada iyo Kaffeine,sida shaaha iyo kafeega, in lacabo kaffeine fara badan waxa ay saameyn ku yeelan kartaa koritaanka ilmaha caloosha ku jira. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa waxa ay sheegeysaa in haweenka cabo maalin kasta halkoob oo bun ah in ay sababi karto waxyeelo qatar ah, waxa ay noqon kartaa qartartaasi in ilmaha yari ay dhashaan iyagoo aan laheyn misaan sax ah.

Cuntada Badda (Seafood)
Cuntada Badda ayaa waxaa ku badan maada loo yaqaan Mercury,haweeneeyda uurka lehna waxaa lagu la talinayaa in ay gabi ahaanba ka fogaato cunnadaasi,tusaale ahaan Kalluunka loo yaqaan Makarel oo ay ku badan tahay xaqiiqdii bakteeriyada Listeria keeni karana cunta ugu danbeeyntii lagu usmoobo.


Caanaha
Sidoo kale caanaha aan karkarsaneen (unpasteurized) waxaa iyana ku badan bakteeriyada Listeria.Tani waxay keeni kartaa dhibaatooyin la xiriira mandheerta iyo cudurada sabab ama sumowga dhiigga ee ilmaha yaryar.

Ukunta Haaf Kariska ah
Ukunta haaf kariska ah ama haaf la kariyay oo aan si aad ah dabka loo tusin, haweeneyda uurka leh  waxa ka mamnuuc ah inay cunaan ukunta jilicsan-la karkariyey. Waxaa laga cabsi qabaa in ay sababi karto sumowga  hooyada iyo ilmaha caloosha ku dhex jira.

W/Q: Canka






Source:- Hablaha.com _______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment