Qodobadaan Hadii Xaaskaada Usameeyso Weligeed lagama yaabo inay Hilmaamto Akhriso( Warbixin Muhiim ah )

Bulsha:- Nin walbo waxa uu jecelyahay inuu subaxdii kasoo tago xaaskiisa oo faraxsan goortuu laabtana Farxad iyo soo dhaweyn heer sare ah loo sameeyo , hadana Aduun.com ayaa Qodobo muhiim ah kusiineysa oo aad qalbiga xaaskaaga ku kasban kartid waana kuwa aad ufudud fulintooda.

Xaaskaaga ood qalbigeeda kasbataa waa sahal balse ma jirto qodobo gooni loogu kasbado qeyb kamid ah hoos ka akhriso.

1. in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.

Waa muhiim inaad waqti kufilan siisid dhageesiga waxyaabaha ay jeceshahay inaay kuu sheegato , ka dhageeso hadalada ay ku leedahay tixgalin iyo balan qaad usameey.

2 in la caawiyo markay hawl hayso.

Ha iska dhaadhacsiin sida Rag badan oo inaga mid ahi u aaminsanyihiin in shaqada guriga ay gaar u tahay Haweenka , waa muhiim inaad waqti siisid caawinta xaaskaaga , la hagaaji guriga qiimeen la sameey fikradaada ku kordhi , hadii ay awlaad kuu heeyso isku day inaad dheelintooda ku dadaashid aadbaay ujeceshahay ineey aragto caruurteeda ood sifiican u cayaarsiineeysid.

RIIX HALKAAN DAAWO Riix

3 in loo muujiyo ixtiraam badan.

Sida dhabta ah waxay xaaskaagu kaa mudan tahay Naxariis joogta ah adigoo ixtiraam gooni ah siinaayo soo dhaweeynaayo hadaladeeda kuna dhiira galinaayo waxyaabaha ay wada tashiga kaala sameeyneyso.

4 in loo garaabo sax ama khalad

Inaad ku taageertid waqtiyada ay kuu baahantahay sida marka ay garabka kaaga baahantahay istaag midigteeda sax iyo khaladba , ciidanka ay ku tashanayso waa adiga , Halyeeyga nolosheedu waa adiga Hub aanan ka dhamaan unoqo.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment