Toddobo Waxyaabood oo ay Muhiim tahay inaad ku dhahdo Xaaskaaga Maalin kasta.

Bulsha:- Mararka qaar Nolosha waxaa kugu adkaaneysa inaad weyso fursad aad waqti kula qaadato ama wax ugu sheegto Xaaskaaga.

Hadii ay ahaan laheyd dhibaato ku heysata ama wax farxad ah. Raggow waxan idin xasuusinayaa in Xaaskaagu tahay qeyb kamid noloshaada. Hadaba waxaan kuu hayaa dhowr waxyaabood oo aad u baahantahay inaad ku dhahdo Xaaskaaga maalin walba.

1) Waad Mahadsantahay.

Inaad ku dhahdo waad mahaadsantahay xaaskaaga waa wax aad u  sareeya waxayna tusineysaa inaad ku faraxsantahay shaqada ay kuu heyso. Hadaba uga mahad celi saaxiibtaa waxyaabaha yar yar iyo kuwa waa weyn ee ay kuu sameyso.

2) Waad Qurux badantahay.

Dumarka inta badan ma dareemaan inay yihiin kuwa soo jiidasho badan, waa adiga qofka u sheegi lahaa xaaskaaga inay tahay qof qurux badan misana soo jiidasho leh.

3) Xasuusi xirfadaha gaarka ee ay leedahay.

Ma jiro qof sameyn kara waxa ay xaaskaaga kuu sameyso. Xasuusi markasta waxyaabaha ay ku fiicantahay iyo waxyaabaha dheeraadka ah ee Ilaahay ku deeqay.

4) U sheeg inaad ku Faraxsantahay.

Waa wax muhiim inaad xaaskaaga u sheegto sida aad ugu faraxsantahay inay xaaskaaga noqoto iyo sida aad ugu kalsoontahay.

5) Usheeg markasta inaad jeceshahay inaad waqti la qaadato.

Weydii xaaskaaga inad meel isu raacdaan oo aad waqti isla soo qaadataan. Inaad meel isla aadan adigo la socda waxey tusineysaa sida ay muhiimad gaar ugu leedahay xagaaga.

6) Xasuusi Markasta ay kuu baahato inaad diyaar u tahay.

Si kasta oo aad mashquul u tahay, u sheeg xaaskaaga marka ay kuu baahato inaad shaqada ugu soo tagi karto.

7) Ku Dheh Waan K u Jeclahay.

Ma jirto waqti kale oo aad sugto inaad tiraahdo xaaskaaga waaan ku jeclahay. Ugu yaraan ku dheh maalintii hal jeer waan ku jeclahay weligeyna waan ku jeclaan doonaa.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment