Daawo Sawirada:- Barcelona oo ku guuleystay Koobka Champions League

Bulsha:- Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobka tartamada Yurub ee Champions League markii Shanaad, iyadoo 3-1 ay ugu awood sheegatay Juventus.

Ciyaartan oo isha lagu haayay ayaa waxay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Olympic Stadium ee magaalada Berlin waxyna aheyd mid xiiso leh maadama labada kooxood ay final sidan oo kale ah isaga hor imaan.

Barcelona ayaa hoggaanka qabatay daqiiqadii afaraad markii gool ku hormartay, waxaana u dhaliyay Ivan Rakitic, kadib markii uu baas qurux badan ka helay Andres Iniesta, sidaasina ay ku maamusho ciyaarta.barca

Juventus ayaa goolka bar baraha la timid daqiiqadii 55aad ee qeybtii labaad, markii uu kubad uu soo tufay Goolhayaha Barcelona Ter Stegen uu ka faa’ideystay ciyaaryahan Alvaro Morata, sidaasna uu shabaqa ku hubsaday.

Inkastoo Ciyaartoyda Juventus ayaa fursado qaali ahaa heleen kama faa’iideysan, waxaana laga dhaliyay goolkii Labaad oo shabaqa uu ku hubsaday Luis Suarez oo kubad uu soo tuuray Messi ka faa’iideystay.

barca-win-1Daqiiqadii 72 aad ayay ciyaartu u muuqatay inay soo dhamaatay oo ay Barcelona heshay goolkii saddexaad kadib markii uu Neymar gool u dhaliyay, laakiin dabaal dega goolka ayaa la soo gaabiyay, kadib markii calan waduhu tilaamay inay Neymar uu kubbada gacanta ku taabtay go’aankaas oo ahaa mid sax ah oo uu Neymar kubadda gacanta ku taabtay, ka hor inta aysan shabaqa gelin.

Dhamaadkii ciyaarta ee 90-kii daqiiqo dheeraadka lagu daray ciyaarta ayaa Neymar waxaa uu dhaliyay goolkaad saddexaad oo uu natiijada ciyaarta ku soo afjaray, waxaana ay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay ku quusatay Juventus.

barca-win-3Barcelona ayaa u noqotay markeedii shanaad ee ay ku guuleysato koobkaan, waxaana Tababaraha Barca Luis Enrique uu kooxdiisa xilli ciyaareedkii u horeeyay kula guuleystay saddex koob, isagoo rikoorkaas ka bar bareeyay Tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment