Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxa howlgalada Qaramada Midoobay ee amniga iyo badbaadinta “UNDSS” Nick Loven Teen oo fadhigiisu yahay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Kullankan ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa Wada shaqeynta dhanka amaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab sidii Puntland gacan looga siin lahaa.
Madaxweynaha Puntland ayaa warbixin ka siiyey Nick Loven xaalada amaanka iyo horumarka baaxada leh Puntland, islamarkaana tilmaamay in maalinba maalinta ka dambaysa ay Puntland ku taalabsanayso horumar dhinac kasta ah oo la taaban karo.
Nick Loven Teen ayaa isna Puntland ku amaanay horumarka ay gaartay, waxaana uu intaa raaciyey in Qaramada midoobay ay mar walba garab taagan tahay Puntland kana taageerayso dhinac walba si loo amba-qaado wadada toosan.gaas-shir-wafdi-1
Wada shaqeynta dhanka amaanka iyo la dagaalanka urur diimeedka Al-shabaab ee awoodoodu hada sii yaraanayso ayuu balan-qaaday in Puntland ay ka teegarayaan Mr.Nick Loven , maadama ay Puntland si adag ula dagaalantay kooxdaasi dhabar jab xooglehna u geysatay.
Ugu dambeyn shirkaan oo looga wada hadlay arimo dhowr ah ayaa labada dhinac waxay isla garteen fulinta qodobada laysla meel dhigay iyo sii wadida taageerada Qarmada Midoobay ee Puntland.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment