Bulsha:- Xaflad ballaaran oo lagu casuumay inta badan madaxda iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa shalay ka dhacday xarunta safaaradda Ingriiska ee Muqdisho taas oo loogu dabaaldegayay maalintii ay xukunka la wareegtay boqoradda Ingriiska – Her Majesty Queen Elizabeth II.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadallo kooban ka jeediyay xafladd oo lagu casuumay masuuliyiin sar-sare oo isugu jira soomaali iyo ajaanib.
Queen Elizabeth II ayaa jagada boqornimo la wareegtay horraanta bishii Jun ee sanadka 1953-dii.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom











Blogger Comment
Facebook Comment