Bulsha:- Qarax wayn ayaa saaka laga maqlay bartamaha magaalada Muqdisho, meel aan sidaa uga fogayn xarunta taliska sirdoonka.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhacay abaarihii 6-dii subaxnimo ee saaka.
Qaraxa ayaa halka uu ka dhacay ay ku dhow-dahay Iskuulkii Shibis oo ku dhow Maxfalka, waxaana halkaas la sheegay in is rasaaseyn muddo socotay ku dhex martay Ciidamadii ilaalada ka ahaa iyo rag hubeysan.
Warar qaar ayaa sheegaya in ragga weeraray halkaas ay qaldeen bartilmaameedka oo aanay gelin iskuulka, waxaana jira khasaaro ka dhashay weerarkaas oo ay ku jiraan dad rayid ah oo degenaa guryo ku dhow halka weerarka ka dhacay.
A Somali government soldier fires at al-Shabaab after rebels attacked Mogadishus Godka Jilacow jail
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka ragga hubeysan ku soo qaadeen Iskuulka Shibis, isagoo xusay inay dib ka soo sheegi doonaan wixii khasaare ah.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay gudaha u galeen xarunta sirdoonka oo ay hadana gudaha kula dagaalamayaan ciidammada dawladda.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha weerarkaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment