DAAWO:- M/weynaha oo Xariga ka jaray xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Officio Governo oo lagu hirgaliyey mashruuca dalkaaga dhiso.

Munaasabadii uu xariga looga jarayay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Gobolka iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda lagu daah furayay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa tilmaamay in xarunta lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay isku tashato oo ay ka qeyb qaataan mashaariicda dib loogu howlgelinayo xarumihii Danta Guud ee ku bur burtay dagaalladii dalka ka dhacay.


15-kii bishii May ee sanadkii tegay ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhagax dhigay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay mashruuca haatan lagu dhisay ee ah Dalkaaga dhiso.













_______________________

Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment