Akhriso:- Oo Ka Faa'ideyso Xikmado Qaali Ah Dhamaantoodna Badalayo Dareemahaga Oo Laga Soo Xigtay Kutubka Laa Taxsan

Bulsha:- Xikmadahaan shabakada kobciyemedia.com idiin soo gudbineyso hadii aay noloshada ka hir galaan waxaa hubanti ah inaad aduunyada wanaag ka gaartay.

Akhriso oo dheeho kuna dhaqan xikmadahan wax ku oolka ah.
Digriga Illaahey ayey quluubta ku dagtaa, dunuubtana lagu masaxa, isaguna raalli noqonayaa illaaha og waxa qarsoon iyo waxa muuqdaba, isagaana digrigiisa kurbooyinka lagu faydaa.

Ka yeel labiskaaga mid caadiya, mid aan aheyn kuwa aadka u koreeya, ahayna kuwa aadka u hooseeya, naftaadana caan hakaga dhigin Labis, ee ahoow sida dadka ahlu taqwada ah.

safar mar marka qaar si aad u cusbooneysiiso noloshaada, una soo aragto dhaqamo kale, nolol kale, iyo wadamo kugu cusub, ileyn safarku waa dhadhan kale.

Ku dadaal sadaqada haba yaraatee, sadaqada waxay damisaa xumaanta, qalbigana way farxad gelisaa, hamigana wey kaxeysaa, risqiguna wey kordhisaa.


Ku dadaal socodka iyo cayaaraha sportska ah, iskana illaali caajiska kana dheeroow cidlada iyo shaqo la’aanta si aad farxad ugu noolaato.

Ka Akhriso kobciyemedia.com qisooyinka diiniga markii aad ka bogato cajaa’ibteeda hakuu noqoto cibro qaadasho aadan ebid iloobin Ogoow in kaligaa dhibaatadu aaysan ku qabsanin, is weeydii miyuu jiraa qof ka badbaaday Hammi Iyo Nolol Adag.

Ku dadaal nidaamka cuntadaada, ka cun inta faaidaad leh, iskana jir nafaqo darada, hana seexan adoo zaaid u dharagsan.

Ka Daahiri qalbigaaga xasadka kana nadiifi cuqdada.
Albaabada ugu waa weyn ee noloshada waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso wanaag u falkooda iyo wanaajintooda, balaayooyinka Allah haka awdee…
Dhamaad insha allah anigoo kalafoge ah markale ayaan idiin soo gudbin doonaa xikmadahan nolosha ah inta aanu ku gudo jirno bisha barakeysan ee Ramadaan ALLAHAYOOW kherykeeda nasoo waafaji








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment