Faah-Faahin ku saabsan weerarka lagu qaaday xaruunta Nabadsugida

Bulsha:- Weerarka ayaa markii hore ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob ku dhaw xarunta ay Ciidamkada Nabad Sugida ku lahaayeen Degmada Shibis, waxaana xiligaa kadib rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ay bilabaeen in ay rasaas ku furan xarunta ay weerareen.

Ciidamada Nabad Sugida ee ku sugnaa xaruntaasi ayaa dagaal adag kala hortagay ragii hubeesnaa ee damacsanaa in ay galaan gudaha Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Shibis , waxaana Ciidamada ay toogteen labo nin oo hubeesan oo katirsanaa ragii Weerarka ku qaaday halkaasi.

Xaalada ayaa hada ah mid dagan waxaana ay Ciidamada Nabad Sugida ay toogteen ragii weerarka tooska ahaa ku qaaday xarunta lagu tababaro Ciidamada Nabad Sugida Qaranka gaar ahaan Ciidamada Onkod.


Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf oo Goordhaw Shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida fashiliyeen weerar lagu qaaday xarun ay lahaayeen Ciidamada Nabad Sugida, waxauuna tilmaamay Afhayeenka in ay ciidamada ay heegan ku jireen ayna fashiliyeen qorshihii Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in uusan jirin wax qasaaro ah oo kasoo gaaray Ciidamada Nabad Sugida ee la weeraray, waxa uuna tilmaamay in halkaasi ku dhinteen sadax nin oo ahaa ragii weerarka ka dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarka lagu qaaday xarunta ay Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in ay dagaalyahanadooda gudaha u galeen xarunta Nabad Sugida ayna halkaasi ku dileen ciidamo badan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment