Aweys ‘’Gaas iyo maamulkiisa waxaa dhibeyso xasiloonida ay heystaan’’

Bulsha:- Wararka ka imanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug uu si adag ugu jawaabay war maalinimadii shalay ka soo yeeray Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Aweys Cali Siciid oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu kamid yahay maamulada ka dhisan dalka, islamarkaana aysan awood u laheyn inay iska dhex faquuqaan Maamulada kale ee dalka ka dhisan.

Waxa uu sheegay in Puntland markii ay Dastuurkooda ku qoranayeen Gobolka Mudug aysan ku faragalin Galmudug sidaa darteedna Puntland ay tahay in ay dib isugu laabato oo aysan sheekadu xumeyn.

Mr Aweys Cali Siciid waxa uu sheegay in shacabka kuwada nool Mudug uusan dan ugu jirin in lawada dagaalamo maadaama uu Maamulka Puntland ku goodiyay in Colaad ay ka dhalankarto faragalinta, waxa uuna Aweys sheegay in ka maamul ahaan wax waliba ay diyaar u yihiin.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado wararka uu maamulada la jaarka ah hawada u marinaayo, hadii kale ay iyaguna qaadi doonaan mid lamid ah talaabada ay ku goodineyso Puntland.

Haddalka Aweys Cali Siciid, ayaa imaanaya iyadoo Maamulka Puntland uu maalinimadii shalay ku hanjabay inay is difaaci doonaan waa hadii faragalin lagu sameeyo Deegaanadooda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment