Daawo Sawirada:- Askar badan oo katirsan Puntiland oo Shil ku geeriyootay iyo C/Weli Gaas oo Isbitaal ku booqday Dhaawacyo

Bulsha:- Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-6-2015 Cisbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool.

Toban askari oo kamid ah Ciidanka uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala Duwan.

Saraakiisha cisbitaalka ayaa madaxweynaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaas, iyagoona sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen.

Madaxwayne Gaas ayaa sidookale mid mid ugu booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe laba iyo Tabanka askari ee dhaawacyadu ay ka soo gaaren shilkaasi dhacay,waxaana uu si deg deg ah amar ugu bixiyay in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran .











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment