Bulsha:- Booliska Masar ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar is qarxin ah ahaa oo lala eegtay magaaloo loo dalxiis tago oo lagu magacaabo Luxor.
Wararka ayaa sheegaya in saddex ruux ay soo weeraren goob macbad ah, waxaana mid ka mid ah uu isku qarxiyay banaanka, halka labada kalena ay toogteen booliska
Booliska ayaa sheegay in labada nin kale ay midna dileen, midka kalena dhaawaceen, waxaana qaraxa ku dhaawacmay afar qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen boolis.
Sidoo kale waxaa la sheegay in aysan wax khasaare ah soo gaarin dadkii dalxiisayaasha ahaa ee goobtaas ku sugnaa.
Magaalada Luxor ayaa leh goobo taariikhi ah, waxaana ay tahay goobta labaad ee loogu dalxiiska badan yahay dalka Masar.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkaas, waxaana dalka Masar ka dhacayay weeraro ay geysanayeen kooxo islaamiyiin ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment