Bulsha:- Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca, ayaa iska diiday ka bixista Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyagoo sheegay inaanay ku qabsan amarka Nicholas Kay.
C/salaan Aadan Xuseen, Madaxa Siyaasadda ee Ahlu Sunna Wal Jameeca, ayaa marka hore sheegay in uu fashilmay heshiiskii ay Dowladda Somaliya ku wada gaareen Magaalada Guriceel.
“Heshiiskii 6-dii March waa dhamaaday, Beesha Caalamka oo Nicholas Kay uu Wakiil ka yahayna waan gaarsiinay, Dowladdana waan u gudbinay in dhankoodu ka socon waayay heshiiska.” Ayuu yiri C/salaan Aadan Xuseen.
“Muddo dhan 7 sano ayaan ka difaacaynay Khawaariijta Al Shabaab. Ciidamada Ahlu Sunna waxay dib ugu laabteen guryahoodii iyo xaafadahoodii Magaalada Dhuusamareeb.” Ayuu markale yiri C/salaan Aadan.
Waxa kaloo uu yiri “Nicholas Kay amarkiisa kuma gelin Dhuusamareeb, ugana bixi mayno. Ahlu Sunna waxay Dhuusamareeb ugu laabatay in laga difaaco cadowga, burcad badeeda iyo burcadda isbaarada dhiganaysa.”
C/salaan oo la hadlay BBC, ayaa carabka ku adkeeyay in Ahlu Sunna Wal Jameeca ay sii jooggi doonto Magaalada Dhuusamareeb, isagoona si adag uga horyimid baaqii Nicholas Kay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment