Bulsha:- Xildhibaan C/llahi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa si adag uga hadlay go'aanka Madaxweyne Xassan ee ku aadan ka hadalka kala dirista Baarlamaanka Jubaland.
Waxa uu sheegay in markii hore uu diidanaa inuu ka hadlo ama uu taageero go'aanka Baarlamaanka Federaalka ay ku laaleen Baarlamaanka Jubba, waxa uuna tilmaamay inay ka dambeysay kadib markii Xildhibaano kasoo jeeda Deegaanada Jubbaland ay arrintaasi kala hadleen.
''Madaxweyne Xassan sheekh marba cidii u tagta ayuu la jiraa waxa uu maantana keenay inuu raali galin ka bixiyo go'aan dharaar cad ay gaaren Baarlamaanka Federaalka dabcan cid waliba uma furna inay ka hadasho go’aan uu gaaro Baarlamaanka sida ay wax u socdaana wax iskama bedeli doonaan''
''Hadalka uu sheegay waxaa ka keenay cabsi Siyaasadeed uu ka qaaday dhanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda Jubba mooye arrinku sidaa maheyn waxa uuna balanku ahaa inaan laga jawaabin''
Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in go'aanka Madaxweyne Xassan Sheekh uu yahay mid marba dabeeshu ay dhinac u tuureyso.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayuu ku guubaabiyay inaysan dhinac u fiirin go'aanada is xigxiga ee rajada lagu baadi goobayo kana soo bixi doona Madaxtooyada Somalia.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment