XOG: R/wasaare C.C.C oo damacsan inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada

Bulsha:- Ilo xog ogaal ah oo u waramay Warfaafiye, ayaa noo xaqiijhiyay inay socdaan qorshe la doonayo in Isku shaandheyn loogu sameeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo arrintan ay kulamo iyo wada tashi ka lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka 1-aad ee xukuumada oo haatan safar uga maqan dalka, ayaa inta uun ka safrin dalka la tashi uu arintaan kala sameeyay M/weynaha, waxay isla meel dhigaan in isku shaandheyn lagu sameeyo Xukuumada marka uu dalka dib ugu soo laabto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wasiiraddii horay loo diiday ay ka soo dhex muuqan doonaan isku shaandheynta, halka xubno qaarna ay daaqada ka bixi doonaan, waxayna isku shaandheyntan noqon doonin mid Golaha Baarlamaanka looga baahdo ansixin.

Ilaha aan warkan ka soo xigan ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay inay u badan tahay qaar ka mid ah saaxibada Madaxweynaha inay ku soo laabtaan masraxa Golaha Wasiirada, waxaase la ogeyn xilalka ay heli doonaan, waxaana durba si horu dhac ah loo calaamadeynaya xubno ay dhici karto inay meesha ka baxaan.


Waxaa sidoo kale lagu wadaa in isku shaandheyntan ay dhacdo dhamaadka bisha Ramadaan ama illaa bisha Soon-fur, waxaana isku shaandheyntan imaaneysaa marka ay Xukuumaddan u buuxsanto lix bilood, maadaama ay haatan u socoto bisha shanaad.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) loo magacaabay Safiirka Turkiga, balse warkan ayaan wali xaqiijin karin, marka laga reebo hadal heynta beryahan jirtay, waxaana la sheegayaa in dhowaan Golaha Wasiirada magacaabi doonaan Safiiro cusub oo dalalka Turkiga iyo Mareykanka ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment