Nabadoon Xasan Ood oo Caawa lagu Dilay Magaalaga Baladweyne

Bulsha:- Wararka aan ka helayno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheega in goor dhow oo maqribkii ah Magaaladaasi lagu dilay Nabadoon Xasan Aadan oo ku magac dheeraa Xasan Ood.

Nabadoon Xasan Aadan ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan. Marxuumkan ayaa waxaa caawa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa oo ku taala xaafada Buundoweyn.

Nimankii dilka gaystay oo aan si rasmi ah loo garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay dilka ka dib ka baxsadeen goobtii ay Nabadoon Xasan Ood ku dileen.

Ciidamada Dowladda oo gaaray xaafada Buundoweyn, ayaa waxay isla markiiba ka bilaabeen baaritaano la xiriira ragii dilka gaystay. Sidoo kale ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo laamaha ammaanku ay ka soo saareen dilka Nabadoonkan.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment