Bulsha:- Dagaal-yahannada al-Shabaab ayaa la oggaaday qorshayaal ay ku doonayaan weerarro ay ka fuliyaan waddamada gobolka ku yaalla,sida booliska dalka Uganda ayaa sheegay.
Ururkan ayaa lugu tuhansan-yahay inuu qorsheynayo weerarro ka dhaca dalalka,Uganda,Itoobiya iyo Kenya,waxaana saddexda waddan ay ka mid yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Wakaaladda wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua ayaa baahisay wareysi ay ka qaaday afhayeenka ciidamada Booliska Uganda,Fred Enanga waxuuna sheegay hay’adaha ammaanka inay heleen macluumaad ku saabsan weerar al-Shabaab ku doonayaan dalka Uganda inay ka geystaan.
Waxuu sheegay in al-Shabaab ay qorsheynayaan inay weerarro ka geystaan bisha Ramadaan dalalka gobolka ee ay ciidamada ka joogan Soomaaliya,isagoona inta ku daray inay al-Shabaab ku howlan-tahay weerarro ay ka fuliso meelaha dadka ku badan yihiin ee ku yaala magaalooyinka dalka Uganda
“Waxay ka fuliyeen Somalia, waxaan ka shakisanahay inay qorsheynayaan inay weeraro ka fuliyaan Uganda iyo dalalka ee Kenya iyo Ethiopia inta bishaan lagu gudo jiro, waxaan dadweynaha ka dalbaneynaa inay feejignaan dheeri ah galaan”ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada booliska Uganda.
Dalka Uganda ayaa dhowr mar soo saaray digniino la xiriira weerarro ka imaankara al-Shabaab,waxaana kooxdana ay horay u sheegatay weeraradii bambaano ee sanadkii 2010 lagu qaaday magaalada Kampala ee caasimada Uganda, waxaana weerarkaas uu ahaa kii u horreeyay ee ay ka geysato meel ka baxsan Soomaaliya.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment