Bulsha:- Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay badbaadiyeen 13 ka mid ah Ciidanka dalka Burundi ee qaybta ka ah Amisom, xilli ay ku firxadeen weerarkii ay shalay Shabaabku kula wareegeen Xeradii Amisom ee Leego.
Askartan ayaa la sheegay inay iska tuureen qoryihii ay wateen, waxay kaloo iska dhigeen tuutihii ay wateen, iyagoona markaa afka aadiyay wadada aadda Deegaanka Yaaqbari-weyne, Yaaqbari-weyne ayaa ku taallaa inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Deegaanka Leego.
Yaaqbari-weyne ayaa waxaa Saldhig Militari ku leh Ciidamo kale oo Amisom ah, balse Ciidanka Dowladda ee askartaasi soo badbaadisay ayaa markaasi daafacyo kaga jiray meel qiyaastii 3km u jirta Yaaqbari-weyne, waxayna u diyaarsanyihiin inay ka hortaggaan Shabaabka haddii ay weerar ku soo dhaqaadaan Xeryahooda.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment