Dagaal Qaraar oo Hadda Ka Socda Degmada Dhoobleey oo ay Shabaab Caawa Weerar ku Qaaday

Bulsha:- Dagaal Qaraar ayaa caawa Ciidamo katirsan Al Shabaab waxa ay ku qaadeen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Dhoobley ayaa ah magaalo istaatiiji ah waxaana  fariisimo ku leh Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya, oo ku jooga Soomaaliya Qaab Amisom ahaan.

Xoogaga Shabaab ayaa caawa laba jiho weerar kaga soo qaaday Degmada Dhoobley iyagoona go’doomiyay Wadooyinka waaweyn ee laga soo galo Degmadaasi, si ay kaga hortaggaan in loo soo gurmado Ciidamada Huwanta ee ku sugan gudaha degmada.

Dagaal aan waxba la´iskula harin ayaa iminka ka soconaya gudaha Degmada Dhoobley, waxayna Shabaabku ka soo gudbeen sida aan wararka ku helayno daafacyada hore ee Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dadka Deegaanka ayaa bilaabay inay guryahooda isaga cararaan oo ay duurka galaan, iyadoo labada koox ay isku adeegsanayaan hubka culus oo aan loo aabayeelayn meesha uu ku dhacayo.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment