Midowga Yurub oo go’aan adag ka qaatay tahriibayaasha

Bulsha:- Hogaamiyayaasha dalalka Yurub ee ku shirayay magaalada Brussels ayaa waxa ay ka munaaqashoodeen sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka tirade badab ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub ee xuduudahooda ka gudbaya.

Tallaabooyiinka ay ka qaadayaan waxaa ka mid ah, in dalalka qaar ay si iskood ah u qaataan qaar ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee gaaraya dalka Taliyaaniga.

Waxa ay sidoo kale isku raaceen in tallaabo adag laga qaado kuwa aan u qalmin in megengelyo lasiiyo, dibna loogu celiyo dalalkooda.

Kullankan ayaa imaanaya iyadoo boqollaal kun oo qof ay sanadkan oo keli ah ay ka gudbeen xuduudaha dalalka Yurub.

Hoggaamiyeyaasha reer Yurub oo wajahaya xasaradda ka taagan badda Mediterranean-ka ayaa waxa ay sheegayaan in hadda muhiimaddooda koobaad ay tahay inay ka hortagaan tahriibayaasha sharic darrada ah ee ku sii qul-qulaya Yurub, iyo sidoo kale inay qaadaan tallaabooyin adag oo dib loogu celinayo muhaajiriinta aan u qalmin in la siiyo magan-gelyo.

Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa ku baaqay heshiisyo dheeraad ah oo lala galo waddamada ay muhaajiriintani ka soo jeedaan, iyadoo loo caddeynayo kooxaha burcadka ah ee dadka tahriibiya in dadka ay safriyaan, iyo in qofkastaa oo Yurub si sharcidaro ah ugu tahriiba dalkiisa dib loogu celin doono.

Dhigiisa Britain David Cameron ayaa isna sheegay in dalkiisa uu doorkii looga baahnaa ka qaadanayo soo badbaadinta muhaajiriinta ku sugan badda gudaheeda iyo in la soo qabqabto kooxaha burcadda ah ee ka dambeeyay qulqulka muhaajiriinta sharcidarada ah.

Balse ma uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan in si siman loo qaybsado dadkaasi soo galootiga ah si dalalka talyaaniga iyo Giriigga looga caawiyo in laga yareeyo culeyska saaran.

Taa badalkeeda hoggaamiyeyaashani waxa ay ka wada hadleen qaab ku meel gaar ah oo afartan kun oo qof loo arko in ay u baahan yihiin magan-gelyo si iskood ah lagu geeyo waddamo kale oo reer Yurub ah balse sida loo qaybsanayo tiradaasi ayaa haddana ah mid ay tahay in go’aan laga gaaro.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment