Bulsha:- Dowladda Imaaraadka Carabta aya amanda dalkeeda u duulisay qaar ka tirsan askartii ku dhaawacantay qaraxii ismiidaaminta ee shalay lala beegsaday diblumaasiyiinta safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
Dhaawacyada la qaaday oo ahaa kuwo aad u culus ayaa lagu soo daweyn doonaa Imaaraadka Carabta.
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadiya Somalia Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaddi ayaa shalay sheegay in dowladdiisa ay mas’uuliyad iska saartay daweynta iyo baxnaaninta dhaawacyadii shalay.
Imaaraadka Carabta aya horay magaalada Muqdisho ugu duulisay dhaawacyada dad dhowr ah oo ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment