Araaji qabashada musharixiinta G/dhexe oo gabo-gabo maraya

Bulsha:- Waxaa meel gebagebo ah maraya araaji qabashada musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo maalinta Sabtida ah ee soo socota sida uu qorshuhu yahay la qaban doono doorashada guddoonka Baarlamaankaasi.

Araaji qabashada ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo islamarkaana la isku diyaariyo doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug uu yeelanayo taasi oo dadka ku dhaqan mudug iyo Galgaduud ay soo dhaweeyeen.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira mashquul baahsan oo la xiriira arrimaha maamul u sameynta gobolada dhexe oo in badan lagu guuleystay taasi oo lagu tilmaami karo horumar soo bidhaamay.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo dhawaan la dhaariyay ayaa wajahaya shaqooyin badan oo horseed u noqonaya horumarka gobolada dhexe, waxaana sugaya waqtiyada soo aadan in ay soo doortaan guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug iyo madaxweynaha maamulkaasi uu yeelanayo waana mowjado siyaasadeed oo aan la saadaali Karin cida guusha doorashada ay ku raaci doonto.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment