Markab ganacsade Soomaaliyeed ku taburacay qaxootiga Soomaalida Yeman oo kusoo xertay dekadda Boosaaso

Bulsha:- Markab uu ganacsade Soomaaliyeed kireeyay si uu dadka Soomaaliyeed ugu soo qaado dalka Yeman ayaa kusoo xertay dekadda Boosaaso fiidnimadii caawa xiliga geeska Afrika.


Markabkan oo dadka Soomaaliyeed kasoo qaaday dekadda Mukallah ayaa la filayaa in subaxdnimada Sabtida laga soo dejiyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaalada Yeman.

Dadkan oo isugu jira haween, caruur, dad waayeel ah iyo dhalinyaro, sida uu sheegay Qunsulka Safaaradda Somalida ee dalka Yemen, Axmed Cabdi Xasan (Axmed Suudaani) oo markabka la socdo.

Qunsulka wuxuu sheegay in Maamulka Dekeda Boosaaso ay ku wargeliyeen inaanu caawa markabka ku soo xiran karin Dekeda, mashquul ka jira aawadeed, balse uu berrito ku soo xiran karo.


Markabkan, ayaa lagu wadaa in markale uu dad kale ka soo qaado Dekeda Magaalada Mukalla, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayiri (Maareeye).

Markabkan ayaa waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed u kireeyay Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ku tabarucay in uu soo qaado dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yeman ee meel ay u qaxaan jirin.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment