Ciidamada AMISOM oo Gawaari Xamuul ah ku gubay Buurhakaba

Bulsha:- Iyadoo Dagaal Xoogan uu ka dhacay degmadda buurhakaba ee gobolka baay ayaa hadda waxaa soo baxaya in ciidamadda Amisom ay gubeen gaadiid xamuul waday oo ay lahaayeen ganacsato soomaaliyeed.
laba gari oo xamuul ahaa kana baxay magaalada muqdsho oo kusii jeeday degmada buur hakaba ee gobolka baay ayna lahaayeen ganacsato soomaaliyeed ayaa ku bas beelay degmadaasi, kadib markii ay si ula kac ah madaafiic ugu dhufteen ciidamada AMISOM ee degaanadaasi kusugan sida ay kudoodeen milkiilayaashii gaadidkaasi iyo hantidii ay wadeen.

xasan maxamuud macow iyo yuusuf xuseen awmaxamuud oo kala lahaa labadaa gaari ee lagubay iyo ganacsade axmed xaaji ibraahim oo looyaqaano saaldo ahaana milkiilihii lahaa hantida gaadiidkaasi uu siday oo midkiiba uu ku sheegay inkabadan $34000 ayaa iyaga oo uwaramay idaacadda dalsan waxay ka dalbadeen ciidamada AMISOM in ay jawaab ka bixiyaan falkaasi kudhacay.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment