Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jiraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka uu marayo.
Madaxweynaha oo soo hadal qaaday xaaladaha amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in horumar laga sameeyay haddana amniga meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ku micneeyay qorshaha isku dhafka ciidamada in uu yahay mid muhiim u ah dalka uuna horseedi doono qorshahaasi horumar.
Madaxweynaha oo si faah faahsan kaga hadlayay xaaladda dalka ayaa dhanka siyaasada waxa uu ka yiri “warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaagaa halaga eego warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo”
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment