Daawo Sawirada:- Puntland Oo Qabatay Doonyo Shidaal sharcidaro Ah U Waday Dalka Yemen .

Bulsha:- Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay afar doomood oo shidaal sharcidaro ah u waday dalka Yemen oo dagaalo ay ka socdaan.

Doomahaan oo ay ku raran yihiin Fuustooyin shidaal oo badan ayaa lagu soo bandhigay Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo Saxaafadda loogu soo bandhigay.

Taliyaha Booliska Magaalada Boosaaso Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ay soo qabteen doomahaan.
58a8bc9a

Doomahaan ayeey ciidamada kasoo qabteen deeganada Dekatu Raxmaan, Buur iyo Bacaad , Shimbiro iyo Mareero.

Dadka ganacsatada ee doomahaan shidaalka ku raray ayuu sheegay Taliyaha in sharciga la waafajin doono, maadaama sharcidaro ay tahay in Shidaal Yemen la geeyo.

Waa markii ugu horeysay oo Puntland ay soo bandhigto doomo shidaal sharcidaro ah u waday dalka Yemen.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment