Mareykanka oo maalintii 9-milyan oo doollar uga baxda dagaalka ka dhanka ah Daacish

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa 9-milyan oo doollar uga baxda maalin walba dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo ku dhawaaqday tan iyo markii uu bilowday duqeymaha ka dhanka ah kooxdaas iay uga baxday 2.7 bilyan oo doolar.

Xulufada uu hogaamiyo Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fulinayay dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ay maamulaan Dowladda Islaamiga.

Mareykanka ayaa dhowaan sheegay in in ka badan 10-kun oo dagaalyahano oo ka tirsan Daacish ay ku dileen weerarada cirka ah tan iyo markii uu bilowday bishii Agosto ee sanadkii hor.

Daacish ayaa wali sii wada dagaalkeeda, waxayna qabsadeen dhul hor leh, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Mareykanka iyo xulafada uu hogaamiyo ay bilaabeen duqeymaha.


Istiraatiijiyada dagaal ee kooxdan ayaa ah mid aad u sareeya, waxaana ay dhowr jeer Ciidamada Ciraaq ku jebiyeen dagaalo ka dhacay gudaha magaalada Ramadi, kaasoo aaqirkii keenay in Ciidamada Ciraaq isaga soo baxaan difaacyadooda.

Shir looga hadlayay arrimaha Daacish iyo qatarta ay ku hayaan Caalamka ayaa dhowaan ka dhacay dalka Faransiiska, iyadoo dowlado badan ay ku baaqeen in la xoojiyo dagaalka, isla markaana la taageero dowladda Ciraaq.

Mareykanka ayaa u diraya Ciraaq ilaa 450 askari, kuwaasoo tababaro siinaya Ciidamada Ciraaq iyo kuwa maleeshiyada qabaa’ilka ee Sunniyiinta, si ay ula dagaalamaan Daacish.

Waa markii u horeysay ee Pentagon-ka uu shaaciyo qarashaadka kaga baxaya Mareykanka dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxayna muujineysaa in saddex meelood labo meel in guud ahaan qarashkaas inay ku baxday diyaaradaha dagaalka.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment