Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Cuntada Ee WFP Oo Sheegay Inay Dhimayso Cuntada Qaxootiga Kenya

Bulsha:- Hay’adda QM u qaabilsan Cuntada ee WFP ayaa sheegay inay qorsheyneyso inay dhinto cuntooyinka ay siiso nus malyuun qof, oo u badan qaxootiga Soomaalida iyo dadka ka soo qaxay Sudaanta Koonfureed oo ku nool xaryaha qaxootiga ee Kenya.

Wakaaladda Reuters ayaa qortay in WFP ay sheegtay in lacagihii ay ka heli jirtay deeq bixiyeyaasha oo hoos u dhacday aawadeed ay sabab u tahay inay joojiso raashinkaasi.

WFP waxay sheegtay in laga bilaabo maalinta Isniinta ah ee soo socota saddex meelood meel ay goyneyso xajmiga raashinkii ay siin jirtay qaxootiga ku nool xeryaha Dhadaab iyo Kakuma ee dalka Kenya.

WFP waxayna intaas ku dartay in hoos u dhigista cuntadu ay sii socon doonto ilaa iyo bisha September ee sannadkan hadii aan la helin, qarashka ay hay’addu u baahantahay inay gargaarkaasi ku sii wado.

Hay’addu waxey sheegtay inay si deg-deg ah ugu baahantahay $12.4 Malyuun oo dollar si looga fogaado faraqa dhinaca cuntada ah oo soo wajaha qaxootiga bilaha August and September.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment