Madaxaweynaha Soomaaliya oo Maanta Ubaxdhigay Taalada Daljirka Dahsoon (SAWIRRO)

Bulsha:- Madaxaweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee u taal degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Ubaxdhigan ayaa waxaa isugu yimaaday dadweyne aad u fara badan oo usoo daawasho tagay munaasabadan uu madaxweynaha dalka salaansharaf uga qaadanayay Ciidanka Booliska Soomaliyeed.


Maalinta 26 Juun oo ah maalintii gobalada Woqoyi ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumestihii Ingiriiska isla maarkaan ku began markii ugu horeysay ee Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taago ciidda Soomaaliyeed iyadoo xor ah.

Wasaiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Soomaaliya ahna gudoomiyaha gudiga qaban qaabada maalmaha xoriyadda ayaa warbaahinta kula hadlay taalada Daljirka Dahsoon isagoo sheegay in ay sii socon doonan munaasadaha loogu dabaal dagaayo maal maha Qiimaha wayn u leh Umadda Soomaaliyeed.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment