SAWIRRO: Meydadka dagaalyahaano Al-shabaab ah oo lagu soo bandhigay KISMAAYO

Bulsha:-  Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Meydadka Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo weerar culus ku qaaday Xarumo uu Maamulka lahaa.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa kasoo duulaan tahay dhanka Waaxda Kuuba ee xaafada Farjano ee isla Magaalada Kismaayo halkaasi oo laga soo abaabulay weerarka.

Saraakiisha Ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaa sheegay in ay kooxdan doonayeen iyagoo soo xirtay dareeska cidanka Jubbaland in ay weerar ismiidamin ah ka fuliyaan gudaha Kismaayo.

Ciidanka Jubbaland waxaa ay sheegayaan in maclumaadka kooxda in ay magalaada soo gashay laga war helay isla markaana laga hortagay, waxaana dagaal socday daqiiqado kooban uu dhexmaray kooxda iyo ciidanka Nabad sugida Jubbaland waxaana halkaa lagu dilay laba kamid ah dagaal-yahanada Shabaabka oo ay mid meydkiisa qaateen midna ka tageen.

Sidoo kale waxaa ay ciidanka soo bandhigeen seddex qori oo Ak-47 ah, Booshka Rasaasta lagu qaato Hal Bamgacmeed iyo qori BKM ah iyo rasasatiisa oo gaareysa 500 xabadood.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment