Kenya oo laba jibaartay doon doonisteeda Samantha Lewthwaite

Bulsha:-  Dalka Kenya, ayaa sare u qaaday tallaabada lagu doonaayo in lagu soo qabto Samantha Lewthwaite, oo lagu naaneyso Carmaladda Cad, kana tirsan Ururka Al Shabaab.

Maxkamadda Magaalada Mombasa, ayaa soo saartay awaamiir lagu xoojinaayo baadi-goobka loogu jiro haweeneydaasi, taasoo loo arko inay khatar ku tahay ammaanka dalka Kenya.

Nikolas Gitonga, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Mombasa, ayaa sababta loo doon doonaayo haweeneydaasi ku sheegay, iyadoo haysata kiimikada loo adeegsado walxaha qarxa.

doon doonisteeda Samantha LewthwaiteXeer Ilaaliyaha, ayaa sidoo kale sheegay tallaabada lagu doon doonaayo Carmalad Cad inuu qayb ka yahay saygeeda cusub ee Habib Saleh, kaa oo sida uu sheegay lagu naaneyso Abu Osman. Waxaana qudhiisa loo arkaa mid halis ku ah xasiloonida Kenya.

Gitomga, ayaa sheegay Kenya inay dhab ka tahay soo qabashada dadkaasi, isla-markaana ay baahi badan u qabto in xogtooda la soo sheego, walow aanu soo bandhigin wax lacago ah oo loo balanqaaday in la siin doono, cidii war ka keenta halka ay ku sugan yihiin.

Laamaha ammaanka Kenya, ayaa aaminsan in Carmaladda Cad ay kaalin ku laheyd weerarkii, ay Ururka Al Shabaab 21-kii bishii September ee sanadkii 2013-ka ku qaadeen rugtii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.

Carmaladda Cad, ayaa ka mid noqotay dadka dunida loogu doon doonista badan yahay, iyadoo Booliska Caalamka (Interpol), uu dadaal ugu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment