Xiisad ka taagan Garowe & Ciidamo isku hor fadhiya deegaanka Qarxis

Bulsha:- Wararka saakay ka’imaanaya magaalada Garowe ee Xaruunta maamulka Puntland, ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay halkaas kajirto.

Ciidamo ka amar qaata taliye ku-xigeenkii booliska Puntland,Jen.Muxiyadiin Axmed Muuse, iyo kuwo ka amar qaata maamulka Puntland ayaa isku hor fadhiya deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal oo 70-km u jirta magaalada ah ee Garoowe.

Jeneraalka Gadoodsan ee Muxiyadiin ayaa waxaa waheliya ciidamo kale oo ka tirsan laamaha dowladda oo ay ka mid yihiin kuwa gaarka ah ee sirdoonka PIA,waxaana ciidanka hoggaaminaya agaasimihii hore ciidanka Sirdoonka ee fadhigoodu Garoowe yahay,Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-yare).

Xaaladda ayaa laga dayrinaya illaa xalay,kaddib markii la sheegay in deegaanka ay ka jirto xiisad dagaal,waxaana shakiga keenay markii uu diiday jeneraalka gadoodka ah inuu wada-hadal la galo dowladda

Wararkii ugu damabeeyay ayaa sheegaya suragalnimada dagaal ka dhaca deegaanka la isku hor fadhiyo,waxaana taas loo sababeyn kara teegeerro badan oo u helayo Jeneraalka gadoodsan oo ay garab socdaan ciidamo badan oo ka gostay dowladda.

Goob ku dhow halka ay ku sugan-yihiin ciidanka gadoodka ah waxaa saldhigyo ka sameystay ciidamo badan oo ka socda dowladda Puntland,kuwaaso u muuqda kuwo isku diyaariyay dagaal,waxaana la arkayay gaadiidka gurmadka deg dega ah oo wahelisa gadiidka dagaalka ee ay wataan ciidamada Puntland.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment