Bulsha:- Iyadoo lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa Hay’dda Bisha cas ee Imaaraadka Carabta waxay qaybinta raashinka afurka ka bilowday qaybo kamida degmooyinka Gobolka Banaadir , gaar ahaan degmooyinka Hodan, Cabdulcasiis, Warta Nabadda, Wadajir ,Shangaani iyo Dharkeynlay taasi oo ay ka faa’iidaysanayaa 5-kun oo Qof.
Cali-Daacad Cabdul Aadam oo wakiil ka ah deeqdan afurinta ee bisha cas ee Imaaradka Carabtu bixinayeen oo warbaahinta kula hadlayay degmada Warta Nabadda oo markaas ay ka socotay qaybinta raashinkan bisil ee iskugu jira Afurka,Cashada iyo Saxuurta ayaa sheegay inay deeqdan afurinta ee ka timid walaalaha Imaaradka Carabta ay si habsami ah u gaarsiiyeen qaybo kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Dhaahiro Cabdi Saalim oo ah hooyo kamida dadka danyarta ee ku dhaqan degmada Warta Nabadda ayaa si weyn uga mahad celisay deeqdan raashinka bisil ee ay soo gaarsiiyeen haya’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,iyadoona sheegtay inay soo gaartay deeqdan raashinka bisil ee iskugu jira Afurka,Cashada iyo Saxuurta taasi oo ay jiraan dad badan oo aan awoodin inay iibsadaan afurka.
Hay’adda Bish Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ayaa marka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaanka waxay ka bixiyaan degmooyinka Gobolka Banaadir gaar gaar isugu jira raashin Cayrin iyo mid bisil ,iyagoona ugu danbaynta ka qaybiya dharka Ciida xerooyinka ay degan yihiin dadka soo barakaycay iyo kuwa tabaalaysan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment